Thursday, March 28, 2024

Maxaa kasoo baxay Kulankii RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta? (Labada ballanqaad ee Rooble)

Shir saacado badan maanta dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa kusoo dhammaaday laba ballanqaad oo uu sameeyay Rooble.

Shirka oo ahaa mid adag ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, casbashada qaabka ay doorashada u socoto iyo boobka lagu hayo kuraasta qaarkood, waxayna Midowga Musharaxiinta walaac weyn ka muujiyay daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka.

Musharixiinta ayaa si cad ugu sheegay Ra’iisal wasaaraha inaysan raali ka noqon karin habka ay doorashada ku socodo, iyagoo dalbaday in la hakiyo, dibka loo eego kuraasta muranka ka taagan yahay, lana saxo khaladaadka jira.

Ad

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha Midowga Musharaxiinta uga warbixiyay dadaalka uu wado ee ku saabsan sixidda doorashada, wuxuuna u sheegay inuu faray Guddiyada doorashada in ay waajiboodkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu hishiiyay ee doorashooyinka.

Rooble ayaa isagoo tixgalinaya tabashooyinka daahfurnaan la’aanta Doorashooyinka wuxuu ballanqaaday iuun Gollaha Wadatashiga Qaranka la yeelan doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira.

Sifoo kale Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa balanqaaday inuu Guddiyada Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal u qabanayo shir foogaan arag ah, isagoo kala hadlaya daahfurnaata doorashada, lana xisabtamaayo cid kasta oo ku xadgudubta doorashada.

May be an image of 5 people and people standing
May be an image of 10 people, people sitting, people standing and indoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON