Friday, July 11, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii Waxgaradka Beesha Sacad iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre.? [Akhriso 2 Qodob]

Kulan xasaasi ah ayaa galabta Koonfurta magaalada Gaalkacyo ku dhex maray waxgaradka beesha Sacad H/Gidir iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha labada Gole ee Beeshaasi uu ahaa mid xasaasi ah oo socday muddo ku dhow 3 saac, iyadoo looga hadlay xaaladda Galmudug, doorashada maamulkaasi iyo kaalinta ay Beesha Sacad ka qaadan karto. Raiisal wasaare Kheyre ayaa ka dalbaday waxgaradka inay ka qeyb qaataan dadaalka mideynta iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug iyo maamul cusub oo lasoo doorto.

Xubno shir ka qeyb galay ayaa sheegay in waxgaradka Beesha Sacad ay Ra’iisal wasaare Kheyre ka dalbadeen inuu ka go’aanka kasoo bixi doona shir beesha maalinta Berri ah uga furmi doona magaalada Gaalkacyo, iyadoo sidoo kale ka codsaday inuu taageero shirka beelaha H/Gidir ee lagu dhawaaqay inuu ka dhaco degmada Hobyo.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dib ugu laabanaya magaalada Cadaado oo mar kale la filayo inuu kulan kula yeesho odayaasha Beesha Saleebaan H/Gidir oo hore u diidan inay qaabilaan, kadib markii ay aqbaleen inay cabashadooda hor dhigaan ra’iisal wasaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON