Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta Xalane kulan xasaasi ah kula yeeshay xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan Doorashada iyo dadaalka loogu jiro in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay oo wadar ogol ah. Dhinacyadan oo leh isbaheysi ka dhan ah Madaxweynaha xilku ka dhammaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isla gartay inay mideeyaan aragtidooda.
“Midowga murashaxiinta ayaa kulan miradhal ah la qaatay labada madaxweyne ee dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxaan ka wada hadalnay sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ah ku dhacda. Mowqifka ay labada madaxweyne ku dheelitirayaan miisaanka siyaasadeed wuxuu dalka ka badbaadiyey halis lagu damqin karo boogo aan weli bogsoonin.” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo shirkaasi kadin faahfaahiyey arrimihii looga hadlay.
Wararka laga helay xubno ku dhow shirka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay u soo diyaar garoobeen joogitaanka caasimadda wax kasoo ay ku qaadato si Farmaajo looga hor istaago inuu qabto Doorasho uu ku shubto oo aan xor ahayn.
Shirkii ay qabanqaabadiisa waday Beesha caalamka ee lagu wado inuu ka dhaco Afisyoone ayaa wajahaya caqabado ay hordhigayaan Farmaajo iyo maamul Goboleedyada taageersan.
