Maxaa keenay inuu baaqdo Shirkii degdega ahaa ee Golaha Wasiirada?. (Madaxweyne Farmajo oo farageliyay)

Waxaa maanta baaqday shir degdeg oo Golaha wasiirada uu isugu yeeray Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo aan wax sabab ah la sheegin.

Xubnaha Golaha wasiirada ayaa duhurnimadii maanta loo diray farriin kale oo lagu joojiyey shirkii loogu yeeray shalay galab oo ahaa shir aan caadi ahayn oo looga doodi lahaa sharciga doorashooyinka oo lagu waday inay ansixiyaan Golaha Wasiirada si loogu gudbiyo Baarlamaanka.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saacadihii ugu danbeeyay soo farageliyey kulankaasi, taasoo keentay in la joojiyo, iyadoo qorshaha doorashada 2020-ka uu yahay mid aysan isku waafaqsaneyn Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Ad

Sharcigan ayaa ah kan ugu muhiimsan oo ay tahay in ogolaansho looga helo maamul Goboleedyada dalka, iyadoo kulan wadatashio ah uu Garowe ka dhici doono maalmo kadib.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

126,301FansLike
1,073FollowersFollow
3,207FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!