Ra’iisal Wasaarah xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlay sababta keentay inaan weli la magacaabin taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda.
Isagoo markii uu horeysay ka hadlay arrintan oo marar badan lagu dhaliilay xukuumadiisa ayuu ku dooday in muhiimad aysan laheyn magacaabista Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsuggida, balse muhiimadu tahay inay socoto shaqada laada ciidan.
“Muhiimada ma’ahan in Taliye la magacaabo, muhiimada waxa ay tahay Boolis noocee ah ayaan u baahanahay, Nabadsuggid noocee ah ayan rabnaa, ciidamada NISA ee shaqeeya Saldhig noocee ah ayeey yeelan doonaan, waxaa muhiim ah in aan marka hore eegno aas-aaska, waxaa jooga dad ku simayaal ah oo shaqo fiican haayaa, oo aan aaminsanahay iyaga laftooda dalkaan wax u soo qabteen, dhameystirkoodana wuu imaanaya, sidoo kale ma’ahan in la iska ilaaway jagadaas banaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo warbaahinta dowladda la halday.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay masuuliyiinta xilalka dowladda loo dhiibaayo in lagu xulanaayo inay la jaanqaadi karaan siyaasadda dowladda ee xilligaan ay ku shaqeynayso.
Wararka laga helyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in buuxinta labada xil ee muhiimka ah ay ku adkaatay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo aan weli helin shaqsiyaad ay aamin karaan.