Sunday, June 22, 2025

Maxaad ka taqaan Madaxweynaha dib loo doortay Xasan Sheekh Max’ud..? (Akhriso Taariikhdiisa)

Xasan Sheekh ayaa wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah madaxweynihii kursiga ku fadhiyey, isagoo ku guuleystay 214 cod, halka Farmaajo uu keensday 110 cod.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib doorasho saddex wareeg ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012 illaa 2017, markaasi oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kaga adkaaday doorasho dhacday 7-dii Febraayo 2017.

Ad

Taariikhda Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha 10-aad

Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu ahaa Madaxweynihii siddeedaad (8) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012—2017. Burburkii 1991 ee kaddib Madaxweynihii kowaad ee loo doorto in uu hoggaamiyo Xukuumad aan kumeel gaar ahayn ayuu noqday.

Wuxuu Ku dhashay 1955 degmada Jalalaqsi ee bartamaha gobolka Hiiraan. Haldoor u dhaqdhaqaaqa dhab u heshiisiinta, bulshada rayidka iyo u ololeeye waxbarashada iyo barbaarinta ubadka ayuu ahaa muddo dheer. Kaddib bud— dhige iyo maamulaha Mac’hadka SIMAD oo markii dambe Jaamacad isu badelay ayuu noqday. 2012 ayaa loo doortay Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 2013 ayaa Jariiradda TIME u aqoonsan tahay boqolka qof ee dunida ugu saameynta badan ee raadka reebtay.

Waxbarashada

Xasan Sheikh Maxamuud, shahaadadii koowad 1981 ayuu ka qaatay Jaamacadda Ummadda ka asagoo ku takhakhusay Culuumta Farsamada Gacanta. Shahaadada labaad ee Maamulka iyo Maareynta Farsamada Gacanta 1988 Jaamacadda Barkatullah ee horey loo yaqiinay Jaamacadda Bhopal. 2015 ayaa Barkatullah guddoonsiisay darajada ugu dambeysa (Doctor of Literature) ayada loo aqoonsaday dadaalkiisii dheeraa ee waxbarashada ubadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Maxamuud, Jaamacadda Eastern Mennonite Mac’hadkeeda Nabadda ee Virginia ayuu ka qallin jabiyey arrimaha dhexdhexaadinta, tiiraanyo—bixinta iyo dhismaha xaruumaha nabadda iyo waxbarashada.

Macalin iyo tabobarre ayuu ka noqday Dugsiga Sare ee Tababarka Farsamada Gacanta Lafoole, kaddib wuxuu u dalacay Maamulaha Mac’hadka Tabararka Macalimiinta ee Jaamacadda Ummadda.

Burburki Dowladda iyo dagaalada sokeeye dadka faro ku—tiriska ah ee dalka ku nagaaday ayuu noqday. Wuxuu isutaagay xal u helidda dhab—u—heshiisiinta, xal u helidda dagaalada sokeeye iyo dib—u—howlgellinta xaruumihii waxbarashada ee burburay. Wuxuu la shaqeeye hey’adaha Qaramada Midoobay ee UNDP iyo UNICEF. Sidoo kale Jaamacadda Oxford Xaruunteeda Daraasaadka Qaxootiga iyo mashruucyo kale ee horumarinta nabadda iyo dib u dhiska.

Dagaalkii sokeeye markuu qarxay 1991 UNICEF ayuu u noqday Sargaal Waxbarashada kala shaqeeya iyo sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadii waxbarashada. Wuxuu UNICEF la shaqeynayey bilowgii 1993 ilaa 1995.

Wuxuu wax ka asaasay bulsho rayid ah oo qeyb ka noqota xal waara u raadinta dalka si la iskugu soo dhaweeyo dagaal oogayaashii dalka iyo caasimadda Muqdishu maamulayey. Ururadii bulshada rayidka ee Maxamuud, wax ka asaasay weli qeybo ayaa shaqeeya.

Heshiiskii Qaahira ee 1997 xubnihii ku guuleystay in ay gorgortan ku qaadaan ‘‘khadkii cagaarnaa’’ ee kala qeybinayey Waqooyiga iyo Koonfurta Muqdishu ayuu noqday. Qaadidda ‘‘khadka cagaaran’’ ayaa aheyd isbaaro weyn oo nolosha iyo isu—socodka bulshada hortiilay.

1999-kii Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wax ka aasaasay Mac’hadda Maamulka iyo Maareynta Horumarinta (SIMAD) oo markii dambe Jaamacad weyn oo hadda saddex iyo labaatan(23) sano jirsatay noqday. Maxamuud ilaa 2010 wuxuu ahaa maamulaha Jaamacadda SIMAD.

2001 ayuu Maxamuud, ku biiray Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaliyeed (CRD) asagoo Cilmi Baare Sare oo Nabadda iyo dib—u—dhiska ka noqday.

2008 ayuu loo magacaabay in uu hoggaamiyo Sharikadda Telecom oo markaa aheyd Sharikadda Isgaarsiinta labaad ee dalka ugu weyn. Sidoo kale sharikado kale oo Geeska Afrika ka hirgalay oo gaar loo leeyahay ayuu wax aasaasay.

2011 ayuu Maxamuud siyaasadda u xuubsiibtay. Wuxuu dhisay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta. Xubnaha Xisbiga ayaa u doortay April 2011 in hoggaamiyo Xisbiga saddexda (3) sano ee ugu horreysa.

Bishii August 2012, ayaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan ee Baarlamaankii sagaalaad (9) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

September 10, 2012 ayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed u doorteen Madaxweynihii siddeedaad (8) ee dalka.

Wuxuu ku fashilmay dib loo doorto, isagoo Bishii February 2017, isagoo xilka ku wareejiyey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmajo oo Doorashada uga adkaaday, wuxuuna muddo 5 sano ah ka tirsanaa mucaaradka halganka la galay dowladii Farmaajo.

- Advertisement -

Ugu danbeyn waxaa 15 May 2022 loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, isagoo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee mar kale xilka loo doorto.

Heerka Xirfadda—Aqoonneed

1978 – 1981 Bachelor of Technology Jaamacadda Ummadda, Mogadishu, Somalia.

1986 – 1988 Master of Technical Education Jaamacadda Bhopal, India

2015 – Doctor of Literature (honorary) Jaamacadda Barkatullah, India

Cilmi Qoraalleedyo muhiim ah


• The role of Somali CSOs in conflict and peace – a paper presented in Somali Social Forum Conference held in Mogadishu, 2003

• Building Structures for Peace: The Banaadir Administration – ACCORD Publication 2009

• Somalia’s Missing Millions: The Somali Diaspora and its Role in Development, March 2009 UNDP Somalia Publication

• A History of Mediation in Somalia Since 1988 – an International Peace Building Alliance (Interpeace) Publication 2009

• Somali Civil Society: Peace Building in a Collapsed State, 2008

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON