Iyadoo weli taagan yahay khilaafka Doorashada Dalka ee ka taagan fulin la’aanta heshiiskii 17-kii September 2020 ayaa waxaa dhinaca kale jira musharax kaliya oo wada olole doorasho xilligan.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka iyo musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa noqday musharaxa kaliya ee ololihiisa doorashada kas wada baraha bulshada, isagoo hay’ado warbaahineed oo qaarkood siiyey qandaraasyo ay ugu sameynayaan xayeysiisyo nooc cusub ah.
Muuqaallada ololaha Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh loo sameeyay ayaa waxaa si adag loogu weerrarayaa Madaxweynaha xilligiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyadoo Xasan Sheekh loogu yeerayo iyo nin badbaadin kara dalka iyo Nabaddoon.
Ololaha Doorasho aan weli lagu heshiin, lana la ogeyn inay xilliga ay dhaceyso ayaa ah farsamo ku cusub tartanka Doorashada dalka, isagoo Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ka maqan yahay 4-tii sano ee ugu danbeysay si weyn loogu eedeeyay dowladii uu madaxda ka ahaa musuq baahsan oo keenay in la doorto Farmaajo oo xilligan Soomaaliya geliyay qalalaase siyaasadeed iyo xaalad hubanti la’aan ah.
