Waxaa socda qorshe cusub oo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku doonayo inuu ku wajaho Maamulka Jubbaland.
Qorshahan oo markii hore loo maleynayay inuu ka tanaasulay Farmaajo markii ay Axmed Madoobe isku arkeen shirarkii wadatashiga Dhuusamareeb ayaa hadda xowli ku socda xilli dadaal loogu jiro in heshiis laga gaaro Doorashada.
Farmaajo iyo la-taliyeyaashiisa ayaa dib u soo nooleeyay inay maamul iyaga taabacsan u dhisaan Jubbaland, waxayna arrintan xiise cusub u yeelay ay tahay markii uu heshiis lama filaan ahaa dhex maray C/rashiid Janan, taasoo Gobolka Gedo ka dhigtay mid laga cirib tiray saameynta Axmed Madoobe iyo maamulkiisa.
Kulan shaki badan dhaliyey ayey warbaahinta dowladda Soomaaliya shaacisay inuu dhex maray Wasiirka Arrimaha Gudaha Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Odayaal kasoo jeeda Maamulka Jubbaland, kuwaasoo la sheegay inay cabasho ka qabaan Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, ayna doonayaan dhismaha maamul cusub oo loo dhan yahay.
Hore waxaa Muqdisho uga dhacay shirar ku saabsan dhismaha Jubbaland cusub, waxaana taageerayaasha iyo la-taliyeyaasha Maxamed Farmaajo laga soo xigtay inay dowladda olole ugu jirto maamul cusub oo loo sameeyo Jubbaland.
Farmaajo iyo La-taliyeyaashiisa ayaa aaminsan inuu waqtiga ka dhammaanayo Axmed Madoobe 3 bilood kadib, sida ay qabto wareegtadii madaxweyne KMG ah looga dhigay Axmed Madoobe ee kasoo baxday Farmaajo, taasoo sharciyadeeda si weyn loo duray.
