Wednesday, June 25, 2025

Maxamed Xuseen Rooble: “Qofna lagama aqbalayo inuu isku dayo khalkhal gelinta Amniga..” DAAWO

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble ayaa khudbad u jeedinaya xildhibaannada Golaha Shacabka, isagoo akhrinaya warbixin ku saasban waxqabadka xukuumadda 100-kii maalmood ee ugu horeysay.

Isagoo ka hadlayey dhinaca Amniga ayuu sheegay inay wax weyn ka qabatay xaaladda amniga ee dalka, isagoo u hanjabay inaan cidna laga yeeleynin inay wax u dhinto amniga oo uu sheegay inuu yahay lama taabtaan.

“Xil ayaa naga wada saaran ilaalinta Amniga.. qofna lagama aqbalayo inuu isku dayo khalkhal gelinta amniga iyo degaanaanshaha dalka.. dowladnimada aan heysano waxay noogu fadhidaa qiime weyn.. waan inaan ka ilaashano caddowga gudaha iyo dibadda.. Nimaan kuu furi doonin, yuusan kuu rarrin..” ayaa ka mid ahaa khudbadii Maxamed Xuseen Rooble.

Arrimaha Doorashada ayuu sheegay inay xukuumadiisa wax walba u sameysay sidii loo qaban lahaa Doorasho dalka ka dhacda, isagoo la kulmay madaxda maamul Goboleedyada, socdaalna ku tegay qaar ka mida maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha xilkiisu dhamamaday eeFarmaajo ayuu sheegay inuu tanaasul badan sameeyay, wuxuuna taageeray baaqa shirka 15-ka Febraayo ee wadahadalka Heshiiska Doorashada, ayna qaban karaan doorasho xor iyo xalaal ah, una taagan yahay hirgelinta Doorashada iyo fududeynteeda.

Kadib khudbadii Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya ayaa lasoo gabagabeeyay kulanka, waana la fasaxay, taasoo qeyb ka ahayd heshiis ay gaareen Guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada Mucaaradka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON