Sunday, June 29, 2025

Maxay isku maandhaafeen Siciid Deni iyo Qoorqoor..? (C/casiis Lafta-gareen oo si adag uga jawaabay)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed ayaa ka jawaabay Is-maandhaaf uu dhaliyey hadal ku jiray khudbadii uu Baydhaba ka jeediyay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ahayd mid uu ku duray hadallo ku jiray khudbadii Madaxweynaha Galmudug Axmed Axmed Cabdi Kaariye.

Axmed Qoorqoor oo ka hadlaya xaaladda Doorashada iyo buuqa hareeyay ee boobka ah ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa: “Doorashada waa bilow anaga haddaa nahay reer Galmudug iyo KGS waa bilownay.. Madaxweyne saxiibkey Saciid Deni ayaa fadhiya caawa xoogaa ayuu noo lug danbeediyay laakin hadaa ka sugeynaa in uu eeda dhiniciisa ka qaato, eedi badneyd annagaa qaadanay 80% anagaa qaadanay 20% hartay idinka qaata ee doorashada bilaaba.. waxaan rabnaa doorashada in la dardar geliyo..

Hadalkan waxaa ka faa’iideystay Siciid Deni oo hadal jawaab iyo is-difaac ahaa ku yiri: “Doorashada waa arrin aan dhinac looga wareegi karin.. Madaxweyne Qoorqoor haddii uu yiri khaladka 80% annagaa qaadanay..Khaladka inta ka dhiman ayagaa iska qaadan doonna, anagana wax wanaagsan ayaan daba dhigi donnaa.. Waana nala arki doonaa haddii aan khalad la maqneyn ama sax..”

Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaan ka aamusin weerarka hoose ee uga yimiş Siciid Deni, wuxuuna si adag uga jawaabay inay eedda doorashada iyadu qaateen, isagoo yiri: “Madaxwene Qoorqoor anaggaa denbi galnay ma oran.. Deni waa khaldamay.., Anagaa xumaan sameynay maaha, ee dadkii wararka xun akhrinaayey ayaa 80% annaga xumaan naga sheegay, ee sidii aan marnay lee mar..” ayuu yiri C/casiis Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa si adag u difaacay qaabka ay doorashada u qabteen K/Galbeed iyo Galmudug, isagoo sheegay inaysan jirin cid laga boobay ee beesha lahayd dadkii soo doontay ay dadkii kursiga lahayd doonteen.

Siciid Deni oo dhinaca kale u muuqday inuu naqdinayo Qoorqoor ayaa sheegay in Dal aan lagu dhisi karin samir iyo in la isku adkeysto.. balse lagu dhiso sharci iyo kala danbeyn ku dhisan Dastuur heshiis lagu yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON