Sunday, July 13, 2025

Maxay isku qabteen Xasan Cali Kheyre & C/weli Gaas..? [Akhriso khilaafkii 24-ka Saac hareeyay Garowe]

Khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay markii uu Ra’iisal Wasaare Kheyre ka baaqsaday dhagax dhigga dekadda degaanka Garacad ayaa hareeyay magaalada Garowe, iyadoo uu sababay inay baaqato xafladii sanadguurada 20-aad ee Puntland, isla markaana shirka Golaha Wasiirada Somalia ee loo qoondeeyay inuu ka dhaco Garowe uu qarka u saarmay inuu baaqdo.

Arrinta ayaa ku bilaabtay markii Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu cadaadis ku soo rogay wafdigii Ra’iisal wasaaraha ee joogay Garowe, wuxuuna kala noqday maamuuskii iyo gaadiidkii, isagoo amray inaysan Golaha Wasiirada Soomaaliya u soo dhoofin Garowe.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo shalay oo dhan kulamo kula jiray C/weli Gaas ayaa ku adkeystay mowqifkiisii ahaa inuu dhacayo shirkii Golaha Wasiirada ee magaalada Garowe, wuxuuna amray wasiiradiisa inay yimaadaan Garowe, waxaase la sheegay in Madaxweyne Gaas uu damcay inuu bixiyo amar dib loogu celinayo diyaaradii siday Wasiiradii shalay tegay Garowe, arrintaas oo ay soo dhex galeen madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo marwada koowaad ee Puntland.

Golaha Wasiirada oo intii ay Muqdisho ku sugnaayeen amarro kala duwan ka helayay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo C/weli Gaas ayaa markii ay ka degaan garoonka magaalada Garowe la kulmay wax aanay fileyn oo ah inaysan cidna ku soo dhoweyn, waxaana garoonka ugu yimid oo qura xildhibaano iyo xubno kale oo ka mida ahaa wafdigii Ra’iisal wasaaraha.

Arrimaha ugu yaabka badan waxaa ka mid ahaa in wasiiradii Puntland laga mamnuucay inay arkaan ama la kulmaan wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee Garowe yimid, waxaana saaxiibadood ay u sheegeen in amar la siiyey oo aanay is arki karin.

Qaska siyaasadeed magaalada Garowe ka oognaa xalay oo dhan waxaa atoore ka ahaa Ra’iisal wasaare Kheyre oo xubnaha Golihiisa wasiirada ee Garowe tegay kula shiray Hotel ku yaalla magaalada, halkaasoo ay ku wada casheeyeen, wuxuuna u sheegay inay magaaladooda iska dabaraan, isla markaana isugu ku taagan yahay go’aankiisa.

Xilliga waxaasi oo dhan dhacayaan waxaa shir uga socdaa madaxtooyada Garowe Madaxweyne Gaas iyo Golihiisa Wasiirada oo la sheegay inay go’aansadeen inay baajiyaan kulanka golaha wasiirada Soomaaliya, isla markaana Ra’iisal wasaare iyo wafdigiisa Xamar ku laabtaan.

Gaas ayaa wararka qaar sheegayaan inuu saarnaa cadaadis dhinacyo kala duwan uga yimid oo ku saabsan inuu magaalada Garowe ka diro Kheyre iyo wasiiradiisa iyadoo wasiiro ka mida maamulkiisa ayba ugu hanjabeen inay is-casilayaan haddii aanu wafdiga Kheyre ka laaban Garowe.

Waanwaan ay galeen xubno ka tirsan labada dhinac oo gaaray ilaa xalay saqdii dhexe kadib ayaa lagu heshiiyay inuu sidiisa u dhaco shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee la qorsheeyay inuu ka dhaco Garowe, iyadoo sidoo kale uu dhici doono shirkii Wasiirada maamulka Puntland, waxayna ahayd xaaladii ugu adkeyd ee soo wajahda Ra’iisal wasaare Kheyre oo hal-adeyg aan hore loo arag la tegay magaalada Garowe.

Saaka ayaa waxaa magaalada Garowe ka bilaabayana shirarkii la qorsheeyay ee golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana arrintan ay muujineysaa miisaanka beeleed ee dalka iyo heerka ay gaarsiisan tahay dowladnimada federaalka ku dhisan ee xilligan Soomaaliya ka jirta.

Waxaa arrinta uga sii daray odayaal beeleed, siyaasiyiin mucaarad ah iyo xaaladda ay Puntland ku jirto oo ah xilli olole doorasho lagu jiro oo dhinac waliba uu raadinayo dhibco siyaasadeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON