Wasiirada sida lama filaanka ah laga reebay Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxaa ka mida Wasiirkii Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ahaa wasiirada xukuumad kasta kusoo laabta ee sida weyn ugu dhowaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inuu Maareeye ku baxay loolan dhinaca awoodda ah oo dhex maray isaga iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, kadib markii olole u galay in loo magacaabo xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka, taasoo keenay inuu xilkiisii ku waayo.
Mahad Guuleed oo ah ninka ugu awoodda badan siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee Madaxweyne Farmaajo uu aamisan yahay ayaa Wasiir Maareeye dagaal la galay, kuna guuleystay inuu ka reebo Golaha wasiirada isaga iyo laba xubnood oo kale oo Golaha Wasiirada ugu jiray beesha uu metelo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isbaheysi siyaasadeed la leh Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo xilkiisa kusoo noqday, isla markaana maacaabay xubnaha golaha wasiirada ee kasoo jeeda Somaliland, waxaana madaxweyne Farmaajo uu Maareeyo ka doortay saaxiibtinimada kala dhaxeysa Mahdi Maxamed Guuleed.
Xiriirka Maareeye iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay waxayna ku kala tageen dagaal faraha looga gubtay oo siyaasadeed, wuxuuna isu bedelay iminka siyaasi loolan kala dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka, kana shaqeyn doona inaan dib loo dooran Farmaajo, haddii aabu guuleysan heshiis laga dhex wado.
