Monday, July 7, 2025

Maxay ku heshiiyeen Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya..? [Madaxtooyada Somalia oo ka hadashay]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu kaga soo qeyb galay magaalada Bahra Daar ee dalka Itoobiya shir ku saabsan xoojinta heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

Shirkan oo ahaa kii labaad ee wada jir ay u yeelanayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dhiggiisa Dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, ayaa waxa ay isku raaceen in ay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha guud iyo kuwa gaarka ah ee ay wajahayaan dalalkan saddexda ah.

Warmurtiyeedka wadajirka ah ayaa lagu adkeeyay muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madaxbannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda dalalka Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo guulaha la taaban karo ee Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Raiisal Wasaare Abiy Axmed, shacabka iyo Dowladda Itoobiya soo dhawaynta diirran iyo martisoorka ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya labada dal.

Wajiga saddexaad ee shirka iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa la qorsheeyey in uu ku qabsoomo magaala Muqdisho.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing

Image may contain: 6 people, people standing and suit

Image may contain: 8 people, people standing and outdoor

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing, suit, wedding and outdoorImage may contain: 6 people, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 11 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 10 people, people standing and suitImage may contain: 16 people, people smiling, people standing, suit and crowd

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON