Saturday, July 12, 2025

Maxay Midowga Musharixiinta ku Qanciyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi..?

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ugu danbeyn lagu qanciyey inuu ka qeyb galo xafladda xiritaanka iyo Heshiiska Doorashada ee ka dhaceysa maanta xarunta Afisyoone ee Muqdisho.

Kulan muddo qaatay oo Hoyga Guddoomiye Cabdi Xaashi ku dhex maray xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta ayaa keenay in lagu qanciyey inuu Cabdi Xaashi ka qeyb galo xafladda, halkaasina ka jeediyo cabashadiisa, iyadoo tabashadiisa la tixgelinayo, lana xalin doono si guud.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ee ay hoggaaminayeen Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale ayaa ugu danbeyn loo diray saaka Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ku qanciyay inuu ka qeybgalo Xiritaanka Shirka Golaha Wadatashiga.

Ma jiro xal laga gaaray arrinta la isku heystay, waxaase jiri doona kulan ay yeelanayaan saxiixayaasha Heshiiska, Cabshi Xaashi iyo Madaxweynayaashii hore oo ku saabsan arrinta awood qeybsiga Guddiyada Doorashada ee Somaliland.

Madaxda saxiixayaasha shirka ayaa hore ku adkeysteen go’aanka ah in Cabdi Xaashi 5 xubnood ku yeesho Guddiyada Doorashada ee Somaliland, waxaase rajo laga qabaa in xubno kale loogu kordhiyo fadhiga ugu danbeeya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON