Taliyeyaasha ciidamada dowladda Federaalka ayaa kulan u gaara ku yeeshay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Kulankan oo yimid xilli xasaasi ah, waxaa soo qabanqaabiyey taliyaha Xoooga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage, waxaana ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijaar, Asluubta Jen. Mahad Xasan, Nabad sugida Col. Yaasiin Farey iyo Taliyaha Qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.
Taliyayaasha ayaa shirkooda uga kawada hadlay sidii si wadajir ah loogu xoojin lahaa amniga Dalka, sida uu shaaciyey Taliska ciidamada Milatariga Soomaaliya.
Warraka ayaa sheegaya in sidoo kale sheegaya kulanka looga hadlay xaaladda doorashada dalka iyo inaysan ciidamada ku milmin dhinacyada siyaasadda, iskana kaashaadaan dagaalka Alshabaab.
SAWIRRO




