Labada nin ee ugu sareeya sharci dejinta iyo Villa Somalia ee dowladda cusub waxay noqdeen laba mas’uul oo midna dib loo doortay lagana soo reebay dowladii hore iyo mid nidaamka oo dhan ku cusub.
Dib u doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) waxaa soo dhoweeyay beesha caalamka iyo dadka dowladnimada Soomaaliya aqoonta u leh, waxaana ka gows qabsaday dhalinta yar iyo siyaasiyiintii isbedel doonka xilligaasi.
Prof. Jawaari waxaa loo argaa ruug-caddaa siyaasi ah oo maamulka dalka wax badan kala socda, isla markaana siyaasadda ku soo jiray in ka badna 40 sano, taasoo si weyn uga duwan madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khibradiisa hogaamineed ay ku kooban tahay 8 bilood oo Ra’iisal wasaare uu ka soo noqday dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif.
Bilowgii hore ee xafiiska ay isugu yimaadeen waxaa ka muuqatay in xirirkoodu ahaa mid hooseeya, iyadoo ay saameyn ku yeelatay sidii lama filaanka ahayd ee uu doorashada ugu soo baxay Farmaajo, laakiiin waxay arrinta ka sii dartay marki uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo oo iyo la-tashiyadii magacaabidda Ra’iisal wasaaraha oo Prof. Jawaari aanu wax kaalin ah ku yeelan.
Xaaladda xiriirka labada mas’uul waxay soo shaac baxday inaysan caafimad qabin, subaxdii magacaabidda Ra’iisal wasaaraha oo Guddoomiye Jawaari si kedis ah hurdada looga toosiyay xilli danbe, lagana dalbaday inuu goobjoog ka ahaado xaflada magacaabidda oo dhacday waqti aanu ku talogelin.
Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa la arkay iyagoo baraha bulshada ku weeraraya Guddoomiye Jawaari, kuna sifeeyay tilmaamo gaarsiisan aflagaado, taasoo uu iska difaacay Jawaari xafladii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre u qabtay xildhibaanada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la xaqiijiyay inuu xiriir fiican la lahayn gudoomiyaha Baarlamaanka, waxayna xaaladu gaartay inaan lagu wargelin safarradda uu dibadda u aado madaxweynaha, isla markaana lagala dardaarmin sii-hayenimada xilka madaxweynaha sida dhacday safarkii ugu danbeeyay ee Farmaajo ku aaday dalka Jordan.
Dad badan ayaa aaminsan in madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ka badbadiyay soo dhoweysiga iyo la-tashiga guddoonka Baarlamaanka, laakiin waxaa muuqata in taas bedelkeed yy Farmaajo xiriir aan caafimaad qabin la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka oo mararka qaarkood la oran karo waa xadgudub.
Waxaa bilaabatay su’aasha ay in labadan mas’uul ay wada shaqeyn karaan iyo qofka ka hari doona dowladda cusub, inkastoo aysan sahlanyn arrintan, haddana waa arrin mar kasta la imaan doonta dhibaatadeeda; maadaama dowladdu tahay mid baarlamaani ah, waxayse ku xirnaan doontaa isbedelka waqtiga.
FAALLADA GOOBJOOGE.COM
Goobjooge.com