Sunday, July 13, 2025

Max’ed Cabdi Waare: “Iima muuqato inuu Rooble leeyahay kalsoonidii uu howshan ku qaban lahaa..”

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay xaaladda dalku marayo iyo khilaafka Doorashada ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya aanu aaminsaneyn inuu kaalintiisa qaadan karo.

“Ra’iisal wasaaruhu door waa lahaa in lagu moodi karo ayaa la is tusay, mucaaradku waa soo dhoweeyeen, shirkii Hotel Decale markii uu meel sare tegay isagana jaranjaraddii waa laga hoos qaaday, aniga iima muuqato inuu maanta Rooble leeyahay kalsoonidii uu howshan ku qaban lahaa..” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay doorka Maxamed Xuseen Rooble qaadan karo xilligan.

Mar uu ka hadlay hab dhaqanka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu sheegay in dowladda diyaarsatay qorshaheedii Doorashada, ayna diiday in lagala hadlo. “Madaxweynaha go’aankiisa waa caddaa, taladiisuna meel ayey u taal, dadka ku wareegsana waa kula qanacsan yihiin.. isaguna waa ku qanacsan yihiin, Madaxweynuhu go’aankiisa waxba lagama bedeli karo.. wayna u caddeyd muddo kororsiga..”

Wareysi kale ayuu Mudane Waare ku sheegay in Rooble looga baahan yahay inuu macaanka badan iska dhaafo oo cusbo isu yeelo si kaalinta laga sugayo uu u qaato xilligan.

Madaxweynihii hore ayaa wareysiyo dhowaan siiyey Idaacadda VOA-da iyo Hanoolaato, isagoo laga wareystay xaaladda dalka, wuxuuna ku baaqay in xaaladda dalka xilligan la daba qabto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON