Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun xabsi ah ku riday odayaal kasoo jeeda Beesha Saleebaan H/Gidir oo dhowaan heshiis lasoo galay Alshabaab.
Odayaashan oo Alshabaab kasoo furtay dhalinyaro ay beesha ka qafaasheen ayaa magaalada Xarardheere heshiis kula galay, waxaana Ciidamada Amniga Galmudug ay magaalada Cadaado kasoo qabteen 27-kii December 2022, markii ay shir jaraa’id ku difaaceen tallaabada ay qaadeen.
Maxkamadeynta Saddexda Oday ayaa lasoo gabagabeeyay 18-kii January 2023, waxaana maanta odayaashan lagu xukunay 5 Sano oo xabsi ciidan ah iyo in Isha lagu hayo dhaqdhaqaaqooda.
Odayaasha xukunkan lagu riday ayaa kala ah: Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday odayaasha, isagoo caddeeyay inay haystaan fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.
