Sunday, March 26, 2023

Sidee Kursigii uu banneeyay Mahad Salaad loogu kala baxay iyadoo aanay Doorasho dhicin..?

Doorashada Kursiga xildhibaan ee uu banneeyay Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa Doorashadiisa lagu qabanayaa magaalada Dhuusmareeb 1-da Bisha febraayo 2023.

Xogta la helay sheegeyso in kursigaasi uu ku soo bixi doono musharax uu wato Agaasimaha NISA, kaasoo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb. Musharax Ilyaas Sheekh Axmed oo hore u ahaa madixii Hay’adda NRC ee Galmudug, kaasoo la sheegay inuu kusoo baxayo Kursiga #147 ee Golaha Shacabka.

Musharaxa ayaa taageero buuxda ka helay Agaasimaha NISA iyo Jufada kursiga leh, waxaana doorashada la qabanayo ay tahay nidaam ahaan uun loo marayo, mar haddii la sii og yahay natiijadeeda iyo qofka kusoo baxaya.

Ad

Musharax Ilyaas ayaa saaxiibo dhow la ah Mahad Salaad, isagoo hor ula soo shaqeeyay, waxaana doorashada ay tahay mid u diyaarsan inuu kursigaasi soo qaato, sidii loogu xiray Mahad Salaad oo kale.

Kursiga #147 waa kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan Guddiga KMG ah ee xukuumaddau magacawday si loo buuxiyo xilalka ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!