Sunday, June 22, 2025

MD. Xasan Sheekh oo diiday kulan magaalada Roma ku dhex mari lahaa Abiy Ahmed

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caddeysay inuusan jirin kulan magaalada Nairobi ku dhex mari doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Labada hoggaamiye ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Afrika iyo Talyaaniga, balse afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay inaysan qorshaha ku jirin kulamo lagu dhexdhexaadin doono madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soomaaliya ayaa hore shardi ugu xirtay wadahadal iyo waanwaan dhex marta Itoobiya, taasoo ah inay ka laabato go’aankii is-afgaradka ee ay la gaartay Somaliland oo si weyn looga hor yimid.

“Mowqifkan waxa uu waafaqsan yahay mowqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MoU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige.

Shirka Roma ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka jeedin doonaa khudbad ku sabasan xaaladda Soomaaliya iyo mowqifka dowladda ee arrimaha shirka horyaalla.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON