Friday, June 27, 2025

Meydadka 29 Qof oo la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho & Qasaaraha oo sii kordhay

Waxaa sii kordhay tirada dadka ku dhintay qaraxyadii iyo weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo isbitaalka Medina oo kaliya saaka laga qaaday meydadka 29 qof oo ku dhintay weerarradii xalay.

Dadka dhintay ayaa isugu jira rayid, askar ka tirsan dawladda iyo kooxdii weerarka qaaday ee Al-Shabaab. Madaxa caafimaadka ee sbitaal Madiino Dr Cabdiqaadir Xuseen Maxamad ayaa heegay in isbitaalka la soo gaarsiiyay 11 dhaawac ah iyo 29 dhimasho ah kuwaas oo waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadii iyo iska hor’imaadyadii xalay ka dhacay Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa jira dad kale oo ku dhintay goobo kala duwan, kuwaasoo la geeyay isbitaalada kale ee Muqdisho, waxaana la sheegay in dhimashada ay ka badan tahay 36 qof.

Ehelada dadkii wax ku noqday qaraxyada ayaa dhooban isbitaalka Madiino, qaar ayaa aqoonsaday maydadka xubnihii qoysaskooda ka dhintay.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa iyaguna yimid goobaha ay qaraxyada ka dhaceen
Waa gawaarida gurmadka degdega oo ka qay bqaadanaya howsha gurmadka

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarrada xalay Muqdisho ka dhacay, waxayna sheegeen inuu bartilmaameedku ahaa xarunta madaxtooyada iyo xarunta sirdoonka qaranka.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON