Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray go’aan ay ka qaateen ka laabashadii Muddo kororsiga ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyo maamulka Doorashada iyo Amniga lagu wareejiyay Ra’iisal wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa lagu soo dhoweeyay go’aankii dib uga noqoshada Muddo kororsiga, loona laabtay heshiiskii Doorashada ee 17-ka September, iyadoo u mahad celiyey shacabkii iyo ciidamadii iska diiday Muddo kororsiga.
Golaha Midowga Musharixiint wuxuu kaloo soo dhoweeyay in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka Doorashooyinka iyo Amniga dalka, laakiin waxay ka dalbadeen si loo xaqiijiyo arrntaasi inuu qaado tallaabooyin ay ka mid yihiin:
1- In dib loo mideeyo ciidamada, lana magacaabo hoggaan cusub.
2- Inaan ciidamada diiday muddo kordhinta laga aargoosan ama la duudsiin xaqooda
3- Inuu Ra’iisal wasaaraha qaado tallaabooyin muujinaya inuu gacanta u hayo Amniga dalka
4- In wixii ka dambeeya 1 May 2021, mas’uuliyadda Amnig lagula xisaabtamayo RW Rooble
5- In Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadda dhexdhexaad ka noqdaan Doorashada

