“Ma aqbalayno, qaybna ka noqon meyno boobka Doorashada socota oo laguna burburinayo Nabadda iyo dawladnimada.
Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa War culus kasoo saaray shir uga socday magaalada Muqdisho intii u dhexaysay 25 -30/11/2021, laasoo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinkii la filayey in ay dalka ka qabsoomaan.
Golaha Musharxiinta ayaa sheegay inay caddaatay arrimaha soo socda:
1- In laga tegey odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaanada.
2- In aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geliyey, la tababaray, guddiga doorashooyinka ee heer Federaalna (FIET) ay hubiyeen.
3- In ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayidka ahaa, ciidanka dawladda iyo dad aan mararka qaar ku hayb ahayn qabaa’ilka kursiga lahaa.
4- In loo diiday diiwaan gelinta tartanka kursiga xildhibaanno kuraasta hore ugu fadhiyey, iyo kuwo kale oo xaq u lahaa, halka la diiwaan geliyey xubno aan soo buuxinin shuruudihii diiwaan gelinta.
5- In ay luntay madaxbannaanidii, iyo dhexdhexaadnimadii guddiyada doorashada heer dawlad goboleed, kuwaasoo toos uga amar qaadanaya Madaxweynaha dawlad-goboleedka, halka guddiga doorashada ee heer federaal ka amar qaataan madaxda federaalka.
6- In guddiyada labada heer aysan kala amar qaadanaynin, Guddiga Xallinta Khilaafaadka uu gabay hawshii loo xilsaaray, isagoo diiday qabashada cabashooyinka, kuwii loo gudbiyeyna aanan u cadaalad falin
7- In aysan jirin korjoogtayn iyo tebin toos ah ee warbaahineed si loo hubiyo in si daahfuran u dhaco tartanku.
Waxay intaas ku dareen mar haddii ay meesha ka baxeen dhammaan shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, waxay doorashadii la sugayey isku bedeshay boob qaawan oo dalka u horseedi kara khilaaf siyaasadeed, xasillooni darri, iyo burbur ku yimaada dawladnimada.

Goluhu Midowga Musharixiinta waxya sheegeen inay Raysal wasaare Maxamad Xuseen Rooble ka dalbadeen in la hakiyo doorashooyinka, shirna isugu yeero madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayadka ah iyo beesha caalmaka, si wax looga qabto boobka doorashooyinka socda, loona saxo khaldka. Laakiin ay wax laga xumaado tahay in taas bedelkeeda uu Rooble dhiirrageliyey sii socoshada doorashada uu boobkeedu u muuqdo bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba, isagoo ammaan u soo jeediyey madaxdii boobka loo haystay, kana dalbaday kuwa aan weli billaabin in ay degdeg u billaabaan.
Intaas kadib Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalaamkaba u caddaynayaa inuu qaatay Go’aannada soo socda:-
1- In waxa socdaa aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed, xasillooni darri iyo nabadgelyo la’aan.
2- In Goluhu uusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dawladnimada.
3- In aan la fiirsan karin sida ay wax u socdaaan, sidaas darteedna Goluhu wuxuu watadashi la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo xal qaran oo dalka looga samatabixiyo halista ku soo fool leh xasilloonida, dawladnimada iyo wadajirka ummadda.
4- In madaxda dawladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ay qaadayaan mas’uuliyada natiijada ka dhalata boobka doorashada.
5- In ay shacabka Soomaaliyeed meel uga soo wada jeestaan ajandaha gurracan ee lagu hagardaamaynayo dawladnimada, xasilloonida siyaasadeed iyo wadajirka ummadnimo, garabna nagu siiyaan samatabixinta dalka.
6- In beesha caalamka aysan indhaha ka laaban boobka doorashooyinka, fartana ku fiiqaan hufnaan la’aanta doorshada, aysanna sugin cawaaqib xumida ka dhalan karta boobka socda.