Tuesday, June 24, 2025

Midowga Yurub: “Doorashada Somaliya waa in loo qabtaa si degdega oo dib u dhac lahayn” (War-saxaafadeed)

Midowga Yurub ayaa war kasoo saaray heshiiska labaad ee Doorashada Soomaaliya, kaasoo shalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Midowga Yurub Josep Borrell ayaa lagu sheegay inay ayay tallaabo hore loo qaaday guushii uu kusoo dhammaaday wadahadaladii u dhaxeeyay madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka kulankoodii 20-27 May ee magaalada Muqdisho, Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray muhiimada ay leedahay inay si nabad ah ku qabsoomaan Ddoorashooyinka si waafaqsan heshiiskii Sebtember 17, loona baahan ahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu dhaqaaqo fulinta Doorashada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada uu wado Ra’iisul Wasaare Rooble ee wadatashiyada wax ku oolka ah ee u dhexeeya hoggaanka federaalka iyo maamul goboleedyada. Doorashooyinka waa in lagu qabto dib u dhac la’aan” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa dalbaday inay dhammaan dhinacyadu ka fogaadaan rabshadaha iyo tallaabooyinka wax u dhimaya geeddi-socodka. “Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada Soomaaliya” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON