Waxaa caawa ka socda magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb munaasabado lagu xusayo maalinta xoriyadda Gobollada Koonfurta Somalia iyo Midowgii Koonfur iyo Waqooyi, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda sare ee dowladda Somalia.
Xarunta Madaxtooyada ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka socota xaflad ay ka qeyb galayaan madax uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ka dhici doonto xaflad wey oo xilli hore bilaabatay, iyadoo habeen barka la saari doono Calanka.
Dhinaca kale waxaa xaflad kale oo si weyn loo agaasimay ay ka socota magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana ka qeyb galaya uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan wasiiiro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaannada labada Gole.
Waxa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay la socdeen fannaaniin dhowr oo xaflada Dhuusamareeb ka qeyb galaya.