Tuesday, June 24, 2025

Muran ka dhashay Xafladii Bandhiga buugga ‘Hadyad Jaceyl’ ee magalada Burco & booliska oo joojiyey [Sawirro]

Magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa Boolisku soo farageliyay Bandhig buug Jacayl ah oo ay ka ayb galeen dhallinyarro badan, kaasoo soo maray magaalooyin dhowr ah.

Buuggan oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa ka hadlaya arimaha jaceylka, wuxuuna bandhiggiisu ka dhacay magaalada Hargeysa, laakiin wuxuu muran ka dhaliyey magaalada Burco, iyadoo markii dambe ay Booliska farageliyeen oo ay joojiyeen xafladii Bandhigga Buugga ‘Hadyad Jaceyl’.

Cabdisamad Aw Daahir oo qoray buuga ayaa sheegay inay fasax ka qaateen maamulka iyo Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista, balse xafladdii oo socota ay Boolisku joojiyeen, taasoo lama filaan ku noqotay .

Dhallinyaro u muuqda in ay buuga la dhacsan yihiin oo gabdho iyo wiilal ah ayaa baraha bulshada soo dhigay iyagoo labo labo iyo ka badan oo u sawiran oo buugga labada dhinac ka haya.

Sawirradaas ayayna u muuqataa in ay qayb ka yihiin waxyaabaha loo cuskaday joojinta xafladda, iyadoo qaabka is guddoonsiinta buuugan iyo sida loo metelayo ay su’aalo badan ka dhasheen, siiba dhalinyarro aan xaas ahayn oo sheegay inay saaxiibo jaceyl wadaag ah yihiin.

Taliyaha Booliska Burco Axmed Aw-cali Shabeel ayaa ka hadlay sababtii loo joojieyy xafladda isagoo yiri: “Wadaadada xumaan reebista oo meesha joogay ayaa noo sheegay in meesha ay dhaqan xumo ka jirto, ama ha is qabaan ama yeyna is qabine in ruux dumar ah iyo nin rag ahi ay meesha soo istaagaan ay garbaha iyo dhexda is qabsanayaan ee bal arrintaas wax ka qabta, Intaas ka dibna taliye ku xigeenkii qaybta iyo taliye saldhig ayaan u diray meesha, markii ay tageenna waxay arkeen buuq iyo sawaxan iyo dad dhexda is haysta, sidaa ayayna ku kala dareeriyeen..” ayuu taliyaha Booliska Burco.

Buugga 'Haddiyad Jaceyl'
Buugga 'Haddiyad Jaceyl'
Buugga 'Haddiyad Jaceyl'
Buugga 'Haddiyad Jaceyl'

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON