Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho iyo ciidamada madaxweyne Farmaajo dul dhigay xarumaha qaar ka mida musharixiinta madaxweynaha.
Daahir Geelle oo farriin muuqaal ah soo diray ayaa si toos ah ula hadlay Madaxweyne Farmaajo, ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah, wuxuuna si gaara Madaxweynaha ugu sheegay inuu xilkiisa yahay gabaabsi. “Madaxweynow dalka waa timid, waad uga dartay ee ha uga sii darin mar kale” ayuu yiri musharaxa.
Ciidamada ayuu kula taliyey inaysan fulin amarrada khaldan ee la siinayo, ayna ku xadgudubka shacabka ka sahlan tahay in lagu xadgudbo madaxweynaha.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ballantu tahay maalinta doorashada, maadaama wixii ay mudnaayeen oo nolol iyo amni ah ay waayeen.

HOOS KA DAAWO