Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah musharrax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu muddo lix bilood ah kursiga ku fadhiyay si sharcdi darro ah.
Isagoo la hadlayay kulan uu la yeeshay haweenka ayaa ku eedeeyay dowladii waqtigeedu dhammaaday inay ka dhex jirtay wada shaqeyn la’aan madaxda qaranka, musuq maasuq baahay iyo ku tumashada dastuurka iyo shuruucda dalka.
Farmaajo ayaa sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud aad u dhiirri geliyay in dastuurka la baal maro, taasoo keentay inuu 6 bilood si aan sharciga waafaqsaneyn xafiiska sii joogo. “Waxaad arkeysaan in Madaxweyna uu xafiiska ku fadhiyo sharci darro muddo 6 bilood ah, waxay ahayd inuu doorasho qabto bishii September ee sanadkii hore…”
“Anigu Lix tiir idiinma hayo, waxaan idiin wadaa inaan wax ka qabto labo arrimood oo ah inaan saboolnimada la dagaallamo iyo inaan colaadaha dalka ka jira joojiyo.” ayuu yiri Farmaajo oo haweenka xildhibaanada ah ugu baaqay inay codkooda siiyaan.
SAWIRRO