Musharaxa xilka Madaxweynaha Daahir Maxamuud Geelle ayaa kashifay sababta ay musharixiinta u shaacin waayeen Liiska xubnaha ka mida Sirdoonka NISA ee ku jira Guddiyada Doorashada, sida ay dalbatay Dowladda Federaalka.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay Musharaxa inay mas’uuliyad darro tahay in dowladdu dalbato in loo soo gudbiyo xubnaha Sirdoonka iyo Hay’adda NISA ee ay ku dartay Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
“Arrintaas waa mas’uuliyad xumo.. Mukhaabaraad (NISA) ayaa ku jira… ma waxaa nagala doonayaa mukhaabaraadka Soomaaliya ee shaqada adag haya.. ee gobollada caddowga ka howlgala iyo magaalada inaan magacyadooda gudbino ama liiskooda Warbaahinta ka sheegno oo dhalinyarradaasi aan caddowga u loogno?” ayuu is-weydiiyay Musharax Daahir Geelle oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan inay dowladda ku eedeysay inay soo gudbin waayeen liiska xubnaha ay doonayaan in laga bedelo Guddiyada Doorashada.
Wuxuu sheega in Dowladda ay ogtahay Dadkii ay magacawday, lagana rabo marka ay ka saareyso Guddiyada shaqaalaha dowladda iyo kuwa baraha bulshada ka taageera, inay ku darto.. xubnaha Sirdoonka…. , balse aysan suuragal ahayn in meelna laga sheego magacayadood, taasoo noqoneysa waa mas’uuliyad darro.
