Monday, July 14, 2025

Musharax la tartamaya Fahad Yaasiin: “Malaa’igtii dagaalkii Beder ka qeyb gashay inuu Alle soo diro..”

Musharax sheegay inuu u tartamayo kursiga HOP086 ayaa ka cabanaya caqbaado badan oo looga hor istaagayo tartanka, iyadoo qof gaara la doonayo in loogu xiro oo lagu boqro.

Shir Jaraa’id oo maanta uu ku qabtay magaalad Muqdisho ayuu Musharax Khaalid Muxamed Gaabane ayaa sheegay in kursigan oo yaalla magaalada Beledweyne ay maamulka Hirshabelle doonayaan inay ninkaas kursiga u siin lahayeen, iyadoo aysan fureyn wax tartan ah.

Wuxuu sheegay in ciidamo gaara loo geeyay magaalada Beledweyne sidii kursigan loogu boobi lahaa Fahad Yaasiin, iyadoo loo diyaarsanaday ergo been ah iyo malxiis, iyagana looga hor istaagayo shahaadada musharaxnimada.

Musharax Khaalid Muxamed ayaa yiri inuu tegayo Beledweyne, isla markaana uu rajo ka qabo inuu Ale ciidamo soo diro oo fashiliyo qorshaha boobka kursigan.

“Waxaan arajo ka qabnaa inuu ciidano Alle gaar u leeyahay inuu meesha keeno, uu qorshe kasta uu fashiliyo, soona diro Malukul Jibriil iyo Malaa’igtii dagaalkii Beder ka qeyb gasshay inuu soo diro ayaan rajo ka qabnaa..” ayuu yiri Mushraax Khaalid oo maanta kusii jeeda magaalada Beledweyne.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON