Kadib Doorasho shalay ka dhacday magaalada Beledweyne oo ay kusoo baxeen xildhibaanno uu ka mid yahay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Daahir Axmed ayaa waxay musharixiinta Madaxweynaha ka gaabsadeen inay hambalyo u diraan.
Musharaxa kaliya ee Fahad iyo xildhibaannada kale u hambalyeeyay ayaa noqday Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo si wadajir ah farriin hambalyo ah xalay ugu diray xildhibaannadii ugu horeeyay ee Beledweyne lagu doorto.
Tallaabadan siyaasadeed ee uu qaaday Musharax Xasan Kheyre ayaa dood culus ka dhalisay Baraha bulshada, waxayna dadku u kala qeybsameen laba garab oo middi taageerayo, halka dhinaca kale uu Kheyre ku tuhmay inuu weli jiro xiriirkii uu la lahaa Fahad Iyo Farmaajo.
Hambalyada Mushrixiinta madaxweynaha diraan ayaa xilliyadii danbe oo yaraatay markii ay Doorashada isu bedeshay gacantaag iyo xildhibaanno kuraasta loo xiray oo la sii ogyahay, laakiin in shaqsiyaadka qaarkood loo hambalyeeyo waxay ka dhigan tahay go’aano halis siyaasadeed ah oo loo bareeray.
