Wednesday, June 25, 2025

Musharixii ugu horeeyay oo ku dhiiraday inuu Baaq iyo Talo kasoo saaro Dagaalka Boosaaso

Musharixii ugu horeyeey ee xilka Madaxweynaha ayaa Baaq iyo talo soo jeedin kasoo saaray dagaalka ka dhacay magaalada Boosaso ee maamulka Puntland ee dhex maray ciidamda Puntland iyo hay’adda PSF.

Musharax C/naasir Cabdille Maxamed ayaa ugu baaqay dowlad Goboleedka Puntland inay dulqaad muujiso oo arrinta lagu xaliyo si nabad ah oo waqfsan sharciga.

“Waxaan ka walaacsannahay iskudhaca hubaysan ee ka socda Magaalada Boosaaso oo ka mid ah goobaha loo asteeyey qabsoomidda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Musharaxa oo qoraal kasoo saaray xaaladda magaalada Boosaaso.

Wuu soo jeeiyey taladan: “Waxaanu ku dhiirigelinaynaa Dowlad-goboleedka Puntland inay muujiso dulqaad, arrintaanna lagu xalliyo qaab nabadeed oo waafaqsan sharciga. Ciidamada gadooday waa inay u hoggaansamaan ilaalinta nabadda iyo sarraynta sharciga”

Waa Musharaxa madaxweyne ee kaliya oo war kaso osaray dagaalka Boosaaso, iyadoo ku dhowaad 20 musharax oo ka mida Midowga Musharixiinta ay ka gaabsadeen arrinta Boosaaso.

Musharax cusub oo isu sharxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON