Thursday, June 26, 2025

Musharixiin aan la fileyn oo laga cabsi qabo inay ku guuleystaan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya [Akhriso]

Isbedel weyn ayaa ku yimid xildhibaanada iyo qaabka doorashada kadib markii Baarlamaanka cusub ay soo galeen tiro badan oo ka mida dhalinyato aan siyaasadda hore ugu jirin.

Xuuraan ay sameysay Goobjooge.com ayaa lagu ogaaday in xildhibaanadii hore ay welwel ka qabaan in xildhibaanada cusub ee aan la socon qaabkii wax loo dooran jiray, lacagihii la kala qaadan jiray iyo sida musharxiiinta loo xod-xodan jiray.

Waxaa gebi  ahaan is bedelay qaabkii ololaha doorashada, waxaana yaraaday adeegsiga laaluushka iyo cod iibsiga doorashadii Gudoonka Baarlamaanka, waxaana arrinta ugu weyn ee doorashada ay noqotay inaan dib loo dooran hogaanka hadda talada haya ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ka cabsi qaba inay doorashada ku soo baxaan musharixiin aan la fileyn, taasoo xaaladda Soomaaliya isbedel weyn ku keeni karta, waxaana xubnaha farta lagu fiiqayo kamida: Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ah musharax qeylo dhaantiisu dheer tahay iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah musharax taageero shacab heysta oo labaduba aan ku jiran musharixiinta ugu cad cad tartanka.

Musharixiinta kale ee ay suurugalka tahay inay si mucjiso ah ay ku soo baxaan waxa ka mida: Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ururada bulshada kasoo shaqeeyay inkastoo laga yaabo saameyn uu ku yeesho madaxweynaha xilka sii haya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON