Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa lagu faahfaahiyey Shuruudaha laga rabo inay buuxiyaan musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Maamulkaasi iy waqtiga is-diiwaan gelinta.
Shuruudaha loo dhigay Musharixiinta waxaa ka mida inuusan qabin xaas ajnabi ah, isla markaana guursan karin inta uu xilka hayo iyo inuu dalka ku sugnaa muddo 2 sano ah, iyadoo mas’uuliyiinta xilka ka haya dowladda federaalka ay iska casilayaan xilalkooda, waxaa kaloo laga rabaa inay bixiyaan khidmada is-diiwaangelinta oo ah 30-kun doolar ragga iyo 15-kun Doolar haweenka.
Xilliga is-diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Jubaland ayaa heysta saddex maalmood oo ay maanta ku jirto 17-19 July 2019, iyadoo qoraalka oo maanta la baahiyey ay ku qoran tahay inuu soo baxay shalay oo ku beegneyd 17-ka July 2019, taasoo ka dhigan in laba maalmood oo qura ay ka hartay is-diiwaangelinta.
8 musharax oo u taagan xilkan ayaa shalay Muqdisho ka sheegay in Axmed Madoobe oo hadda madaxweyne ka ah maamulka Jubbaland uu afduubtay doorashadii Jubbaland, isagoo doonaya inuu ku shubto.
HOOS KA AKHRISO


