12 Musharax oo ka mida musharixiina u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadacaya iney ka qeyb noqdaan Doorashada 2020/2021, taasoo ay sheegeen inay ku socoto boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddiyada Doorashada ee ay ku jiraan shaqaale Dowladeed iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan NISA.
Qoraal ay wadajir u diyaariyeen, balse aan si rasmi ah loo soo saarin ayey musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ku caddeeyeen inay Soomaaliya ku socoto firaaq Dastuuri ah oo sababi kara burbur guud oo ku dhaca, haddii aan si degdeg ah loo xaqiijin madax bannaanida guddiyada iyo dhammaan howl-wadeenada ka shaqeynaya hir-gelinta doorasho hufan oo leysla oggolyahay, taasoo ku dhacda muddada kooban ee harsan.
“Hadaba, waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista xubnaha guddiyadu aysan waafaqsananayn heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, mabaadii’da dowliga ah, Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee dalka, isla markaana aanan aqbali doonin inaan qeyb ka noqonno hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho doorasho taas oo si cad uga hor imaaneysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo mabaadii’da guud ee matalaadda shacabka ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri Qoraalka
Musharixiin muhiim ah aya sheegay inaysan waxba kala socon Qoralkan, halka wararku sheegayaan inay baraha bulshada ku faafiyeen xubno ku sugan maaalada Nairobi.

Musharixiinta Madaxweynaha ee qaadacaya Guddiyada Doorashada ayaa kala ah:
1- Xasan Sheekh Maxamuud
2- Shariif Sheekh Axmed
3- Xasan Cali Kheyre
4- C/kariin Xuseen Guuleed
5- Shariif Xasan Sheekh Aadan
6- C/raxmaan C/shakuur Warsame
7- Daahir Maxamuud Geelle
8- C/naasir Cabdulle Maxamed
9- Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
10- Maxamed C/raxmaan Siirin
11- Xuseen Cabdulle Xalane