Golaha Midowga Murashaxiinta Mucaaradka ayaa qoraal soo saareen kusoo dhoweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Mushariixinta aya qoraalkooda ku sheegay inay sidoo kale soo dhoweynayaan Baaqa Shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020.
Waxay Madaxeeynaha Soomaaliya uga digeen inuu ku dhaqaaqo qabashada doorasho hal dhinac ah oo ay sheegeen inay halis ku tahay xasiloonida, wadajirka iyo midnimada dalka.

