Friday, July 11, 2025

Muxuu yahay Kursiga lagu eedeeyay inuu Ra’iisal Wasaare Rooble kala wareegay Beeshii lahayd..?

Ra’iisal wasaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu eedeeyay inuu boobay kursi ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Somaliland.

Kursigan oo tirsigiisu yahay HOP215 ayuu sheegay nabadoonka saxiixiisa leh Suldaan Abiib Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha uu soo qoray odayaasha iyo xubnaha ku qoran, isagana aanu waxba kala socon.

Suldaanka ayaa sheegay in Rooble uu kursigan uu dhaafsaday heshiis uu cod uga qaatay Doorashadii Gudoomiyaha Doorashada Heer DFederaal ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Suldaanka ku dooday in Ra’iisal wasaare Rooble oo dadka u sheegayey inay Doorashada si xor ah ku dhaceyso uu boob ku bilaabay kursigii beeshooda ku lahayd Golaha shacabka, ayna ku baaqayana in arrintaas wax looga qabto.

Kursiga HOP215 ayaa waxaa Baarlamaanki 10-aad ku fadhiyey Xildhibaan Faatix Siciid Xasan ayaa oo loo doortay Febraayo 2018, markii uu ka geeriyooday aabihii, waxaana leh Beesha Habar Cafaan/ Gedabuursi.

Xafiiska Ra’iisal wasaare Rooble ayaan weli ka hadlin eedeynta culus ee loo jeediyay inuu ku lug yeeshay boobka kuraasta Golaha Shacabka xilli looga fadhiyey sixitaanka Doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON