Waxaa la tiriyey cod bixinta wreegii labaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo codadka uu hoggaaminayo Musharax Xasan Sheekh.
Natiijadii codeynta wareega labaad waxay noqotay:
1- Xasan Sheekh Maxamuud: 110 Cod
2 iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo: 83 cod.
3- Siciid C/llaahi Deni 68 cod.
4- Xasan Cali Kheyre: 63 cod
Waxaa codeeyay 329 xldhibaan, wxaaa xumaaday 5 cod.
waxaa wareega saddexaad u gudbay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ka haray musharixiinta kala ah: Xasan Cali Kheyre iyo Siciid C/llaahi Deni.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaqay natiijada wareega labaad, iyadoo wareeg saddexaad oo kale la geli doono sida muuqata.
Waa doorashadii ugu adkeyd, waxaana la saadaalinaya inuu ku guuleysan doono Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo waregga labaad heysta codad dhan 110.
