Howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay Nin la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab, kaasoo waday waxyaabo qarxa.
Taliska Booliska ayaa sheegay in Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa maanta degmada Deyniile gaar ahaan deganaka WAR-LALISKA ku qabteen nin Mooto Bajaaj ku waday Qrax.
“Maanta 26 Apr, 2023 abaare 10:00 AM, ayaa Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir oo iskaashanaya, ay Degmada Dayniile gaar ahaan WARLALISKA ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysane khawaarij XASAN NUUR CALI, oo walxaha Qarxa ku waday Mooto Bajaaj Gaduud ah oo uu rabay inuu ku dhibaateeyo shacab aan waxba ka galabsan”. ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.
Ciidanka Booliska ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshaha Khawaarij Xasan Nuur Cali oo rabay waxyeeleynta shacab Soomaaliyeed, iyadoo ciidanku halkaas ay ku qarxiyeen miinadii uu waday.
