Hay’adda Nabadsugudda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa baahisay muuqaallada raggii ka danbeeyay qaraxyadii ka dhacay suuqa bakaaraha 6-dii Febraayo 2024, kuwaas oo ku dhowaad laba bilood kadib qaraxyadaasi la raadinayo.
Qaraxyadan oo Boorsooyin lagu diyaariyay waxaa ku dhintay dad ka badan 10 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 30 kale, waxaana Warbixin TV-ga Dowladda SNTV uu baahiyay ka muuqday muuqaallo ay duubeen Kaamerooyinka CCTV.
Waxaa muuqaaladaasi laga arkaaya qaabkii loo fuliyey Qaraxyadii Boorsooyinka ee Suuqa Bakaaraha oo lagu beegsaday Goobo Ganacsi oo caan ah una badan kuwa Qalabka Elektric-ga.
Muuqaalladailaa lix qof oo fuliyay qaraxyada iyo dadkii caawinayay ayaa muuqaalladooda la arkayaa, iyadoo ragga Boorsooyinka waday aan wejiyadiisa si fiican loo aqoonsan karin, taasoo ay ugu wacan tahay inay koofiyado wateen, isuna diyaariyaan qarinta wejiyadooda.
Dadka hay’adaha amniga qabteen ayaa ah Bajaajleyaal iyo dad shacab ah oo loo adeegsaday inay qaadana Boorsooyinka iyo agab kale, balse waxaa gebi ahaan la aqoonsan, lana soo qaban dadkii fuliyay qaraxyada.
Warbixinta kadib ayey Hay’adda NISA faafisay muuqaladii laga qabtay Kaamerooyinka CCTV, iyadoo dadweynaha ka codsatay in qofkii aqoonsada kooxdaasi uu lasoo xiriiro.