Odayaasha dhaqanka Beelaha Muddulood oo xalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gudbiyey dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo ka hor yimid go’aankii maamulka G/Banaadir ee baab’inta heshiisyadii maamulladii hore ee G/Banaadir.
Qodobka ka mida kuwii ugu waaweynaa ee ay labada dhinac ka hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa go’aankii Guddoomiyaha G/Banaadir ee ku saabsanaa in maamulka G/Banaadir dib ula wareegayo dhulkii danta guud ee ay bixiyeen maamulladii hore sida jardiinooyinka iyo Beeraha Dowladda Hoose ee Muqdisho [Ahhriso Warkan].
Odayaasha Muddulood oo uu hogaaminayay Imaam Maxamed Yuusuf ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegay inaan la aqbali karin go’aanka guddoomiye Yariisow, kaasoo ay sheegeen inuu iska horkeenayo dowladda iyo shacabka Muqdisho, waxayna wax lala yaabo ku tilmaameen in dowladda Farmaajo ay sharci darro ku tilmaanto heshiisyadii ay galeen dowladihii ka horeeyay.
Xogta ayaa sheegaysa in madaxweyne Farmaajo uu isku difaacay inuusan shaqo ku lahayn arrinta G/banaadir, isla markaana aanu marna shacri darro ka dhigin heshiisyadii hore, balse wareegto uu sanadkii hore soo saaray ay ku saabsaneyn wixii ka dabeeyay markii isaga la doortay ee Febraayo 2017, wuxuuna odayaasha u caddeeyay in go’aanka maamulka G/Banaadir uu ku kooban yahay guddoomiye Yariisow, isaguna uu tallaabo ka qaadi doono.