Tuesday, July 1, 2025

Prof. Cabdi Ismaciil: “Rooble wuxuu noqday Omicron Covid-19 oo ka darran Covid-kii Farmaajo..”

Senatorka dooran ee Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa si weyn u dhaliilay sida uu Doorashada u wado Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

“Soomaaliya waxay madaxa la gashay 4.5, sidaas ayey ku socotay, Nin madaxweyne ahaa ayaa kusoo dul degay oo damcay inuu beelaha oo dhan sameysto, iyadoo taas la yaaban yahay ayaa laga qabtay,. waxaa loo dhiibay Ra’iisal wasaarihii oo ka daray..” ayuu yiri Prof. Cabdi Samatar.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa loo dhiibay Doorashadii Nin Ra’isal Wasaare ah, Ninkii wuxuu nooday KUD KA GUUD OO QANJO U GUUR.. wuxuu doonayaa inuu boobo Doorasho oo cid gaar uu wato u boobo. Afar dhalinyaro oo aan aqoon iyo waaya-aragnimo lahayn ayuu meesha dhigtay oo amraya odayaashii..”

Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu Ra’iisal wasaare Roble ku tilmaamay inuu yahay Nooca Omicron ee cudurka Covid-19. “Anagoo la yaaban siyaasiyiintii Covid 19-kii Madaxtooyada laga qooshayey waxaa yimid mid Omicron Covid-19 ah oo Ra’iisal wasaarihii wuxuu noqday Omicron”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON