Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka ahna musharax xildhibaan u taagan Kursiga HOP103 ayaa magaalada Baydhaba uga dhawaaqay in wax nidaam ah aanu ka jirin halkaasi, oo qof shaqsi ah ku taki farlayo awoodda.
Wuxuu caddeeyay in caqabado iyo culeyso lagala hor yimid, ayna Baydhaba noqotay meel aan nidaam ka jirin oo rabitaanka shaqsi lagu socdo, iyadoo la hor istaagay xuquuqda siyaasiga ah ee Muwaadinka ee ah inuu wax doorto ama la doorto.
“Arrimaha meeshan Baydhaba ka socdo, waxaan leeyahay Meeshan ma fidsana Gogol uu Nin Gob ah wax kasoo doonto iyo Oday.. waxaa socda takrifal..” ayuu yiri Prof. Jawaari oo waxa socda ku sheegay inay dowladnimada yar ee la heysto ku burburi karto.
“Meeshan wax hufan iyo xalaal iska dhaafe, waxaa ka socda gaboodfal caadi laga dhigtay, waxa laga hor yimid xaqii siyaasiga ahaa ee muwaadinka inuu wax doorto, nidaam dowladeed meesha ma yaallo.. raxmad Allaha siiyo Soomaaliya… Haddii sidaan lagu socdo waxaan ka baqayaa dowladnimada intii yareyd ee la kasbay inay faraha ka baxdo” ayuu ka digay Jawaari.
Wuxuu caddeeyay in wax kasta ku jiraan Koontarool saa’id ah iyo qof gacantiis. “Musharax maba noqonayo qof aan raali laga ahayn.. Anigu waan kasoo tegayaa Baydhaba, waan ka duulayaa mar dhow”.
Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inuu rasmi ahaan u yahay musharax sugaya in la qabto doorasho xalaal ah oo daah duran, ilaa taas laga gaarayo uu soo taagnaan doono, beesha kursigana lehna ay go’aan gaari doonto.
