Sunday, July 13, 2025

Puntland oo mar kaliya shaacisay Kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooranayo Boosaaso (Akhriso)

Dowlad Goboleedka Puntland oo doorashada Golaha shacabka hakisay in muddo ah ayaa maanta shaacisay in la qabanayo dhammaan kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee taalla magaalada Boosaaso.

Guddiga Hirgelinta Doorashada Puntland ayaa soo saaray qoraal uu ku shaacinayo dhammaan 16-ka kursi ee Golaha Shacabka oo doorashadooda ka dhceyso magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Guddiga ayaa kaliya shaaciyey liiska tirsiga kuraasta, iyagoo sheegay in dib ay ka sheegi doonaan Jadwalka kala horraynta Doorashada Kuraasta la shaaciyay ee ah 16 kursi.

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inay Doorashada ka dhici doonto gudaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso, gaar ahaan dhisme u dhow Xarun ay Hay’adda Nabadsugidda Puntland (PISA) ku leedahay halkaasi.

Arrintan ayaa imaaneysa, kadib markii uu Garowe dib ugu laabtay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dibadda ku maqnaa, kaasoo la sheegay inuu tegu doono magaalada Boosaaso.

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON