Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si buuxda taageertay Ra’iisal wasaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble inuu dalka hoggaamiyo Mudadda kala guurka ah.
“Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka” ayaa lagu yiri qoraal caawa kasoo baxay Madaxtooyada Puntalnd.
Puntland waxay sheegtay inay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaady ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo war-saxaafadeedyo iska horjeeda soo saaray.
