Qarax weyn ayaa goor dhow ka dhacay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay caawa weerar u qaadeen, gudaha u galeen dabley ka tirsan Alshabaab.
Qaraxa oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca Hotelka inta uu weerarku socday muddo 3 saacadood ah ayaa la filayaa inuu yahay mid ka mida maleeshiyada Alshabaab oo is qarxiyey xilli ay dagaal kula jireen ciidamada dowladda ee kala duwan oo Hotelka ku sugan.
Tirada Maleeshiyada Alshabaab ee Hotelka SYL gashay ayaa lagu sheegay ilaa 3, halka laba ka mida uu Boolisku sheegay in lagu dilay bannaanka hore e Hotelka, waxaana laga soo badbaadiyey Hotelka dad ku dhow 100 qof.