Laba qarax oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho
iyadoo lala beegsaday xarunta dembi baarista ee CID-da oo ku taala Isgoyska KM4, degmada Hodon.
Gaariga hore ayaa la sheegay in lagu qarxiyay iridka, kaasoo aysan u suuragalin in lagu galo gudaha, waxaana qaraxa labaad uu burburiyay iridka xarunta iyadoo wararku sheegayaan in dabley ka mida kuwii weerarka qaaday ay gudaha u galeen xarunta.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in la dilay dabley gashay gudaha xarunta CID, isla markaana dadkii iyo maxaabiitii gudaha ku jirtay ay nabdoon yihiin.
Rasaas goosgoos ah ayaa ka socota xarunta, waxaana la soo weriyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay labada qarax.
Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa daadgureynaya dhaawacyada, waxaana goobta soo gaaray ciidamada dowlada noocyadooda kala duwan. 12 dhaawac ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho.
Qasaaraha weerarka ayaa hadda gaaraya 13 dhimasho ah iyo in ka badan 2o dhaawac ah, sida ay sheegayaan warar hordhac ah
Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana weriyeyaasha ay awoodeen inay gudaha u galaan xarunta la weeraray. Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in lasoo afjaray weerarka isla markaana la dilay saddex dabley ah oo doonayay inay galaan xarunta CID-da.
Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ay sheegay in weerarka lagu dilay saddex dabley Alshabaab ah oo doonayay inay galaan xarunta oo gumaad geystaan, wuxuna intaas ku daray in ciidamada ammaanka uu ka dhintay askari, halka shan kale ay ka dhaawacmeen.
Qasaaraha dagaalka ayaa waxaa yareeyay iyadoo la dilay dableydii qorshahoodu ahaa inay galaan xarunta CID-da, waxaana madaxda dowladda oo halkaasi tagtay ay sheegeen in weerarkaasi la fashiliyay.
Goobjooge.com