Qeylo-dhaan xoog leh ayaa ka timid kursiga HOP145 ee ay leedahay Beesha Reer Aw-xasan, lagana soo doorto magaalada baraawe ee maamulka K/Galbeed, iyadoo odayaasha Beeshaasi ay sheegeen in si sharci darro ah lagu maamulayo kursiga.
Ugaaska guud ee Beesha Reer Aw-xasan Ugaas Maxamed Cabdi Cumar Yarow iyo odayaal kale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in kursigaasi aan loo soo marin odayaasha uu Ugaaska ugu weyn yahay, isla markaana waxay digniin u direen madaxweynaha K/Galbeed oo ay sheegeen inuu faragelin ku hayo.
Jufada Aw-Saacid ee kursigan leh ayaa ku doodeysa inaysan maamuli karin kursigooda jufada kale ee Ae-Nuur, Reer Aw-xasan oo uu kasoo jeedo Fahad Yaasiin, kaasoo lagu eedeeyay in rabitaankiisa lagu maamulayo.
Kursiga HOP145 waxaa ku fadhiyey guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Baarlamaankii 10-aad C/weli Muudey oo hadda waayay kursiga, waxayna arrintan loolan iyo colaad ka dhex abuureysaa labada jufo ee beesha reer Aw-xasan.
Odayaasha ay shaaciyeen Guddiga Doorashada K/Galbeed inay soo xulayaan ergada kursigan ee lagu dooranayo magaalada Baraawe ayaa la sheegtay inay maamulayo Fahad Yaasiin oo isna doonaya inuu soo qaato kursiga HOP086 ee jufada kale ee Beeshani u yaalla magaalada Beledweyne.
