Friday, July 11, 2025

“Qoorqoor wuxuu noo sheegay oo marqaati leh inuusan dhexdhexaad ahayn -Musharax kashifay xaqiiqada-

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mida musharixiinta madaxaweynaha ee ka tiesan Midowga Murashaxiinta Madaxweyneyaasha ku eedeeyay Madaxweyaha Galmudug Axmed Qoorqoor inuusan dhexdhexaad ahayn.

“Runtii madaxweynaha (Qoorqoor) waxaan ka rabnay inuu dhexdhexaadiyo, dhexdhexaadna noqdo, wuxuuse noo sheegay oo marqaati leh inaanu dhexdhexaad ahayn isagu. Marka hadee dhexdhexaadiye aan dhexdhexaad ahayn waxaa dhinac mari kara ama hareer mari kara guusha ama arrinta inay miradhal noqoto” ayuu yiri Dahir Geelle oo jawaab ka bixiyey wixii dhex maray mushariixinta iyo madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo uu ka mid yahay QoorQoor.

“Madaxweyne annagu aan aad u xurmeyneyno madaxweyne Qoorqoor wuxuu inoo sheegay arrinta socota inaanu dhexdhexaad ka ahayn, marka dadka Soomaalida ah ee adduunka jooga waxaan rabnaa inay nala fahmaan dhexdhexaadiye aan dhexdhexaad ahayn marka uu wax dhexdhexaadiyo natiijada ka dhalan karto.” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle oo u warramay BBC-da, isagoo faahfahaiyey wixii dhex maray.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa xaqiijiyey inay dastuuri tahay wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON