Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa laga dareemay diyaargarow nooc cusub ah oo ay wadaan musharixiin ku tartamaya kursi ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo halkaasi laga soo doorto.
Iyadoo Doorashada dadban ee Soomaaliya 2021 weli la isku heysto ayaa Kursiga ku asteysan HOPE147 waxaa ku loolamaya xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo hore ugu fadhiyey iyo musharaxa uu wato madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadda ah guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ilo ku sugan Dhuusamareeb ay sheegeen inuu magaalada ku diyaarsaday gaadiid iyo hub ay ka mid yihiin laba baabuur oo kuwa dagaalka ah, iyadoo ujeedku yahay ka hortagga Doorasho boob ah oo madaxtooyada Soomaaliya wadato, haddii la isku dayo in laga qabto halkaasi.
Dhinaca kale waxaa lasoo weriyey in guddoomiye ku xigeenka siyaasadda ee G/Banaadir Cali Yare uu isna magaaalada Dhuusamareeb geeyay afar gawaarida Land cruiser-ka ah iyo qoryihii tiknikada dagaalka oo lagu xiri lahaa oo ay wehliyaan qoryaha Boobayaasha culus.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa laga soo xigtay in kursiga xildhibaan ee ay ku loolamayaan Mahad Salaad, Cali Yare iyo C/naasir Gelle uu noqon doono mid si weyn loogu hardamo, isagoo aan faahfaahin hardankaasi waxa uu yahay.
Kursiga HOPE147 ayaa ka mida tobanaan kursi oo ay si weyn ugu loolamayaan siyaasiyiin la kala safan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha xilku ka dhammaanayo ee Maxamed Farmaajo, laakiin waxaa tartankan ku cusub in musharixiinta qaarkood ay isu hub urursanayaan.
